War.cusub. Dhex dhaxaadin laga dhex Bilaabay Dowladda iyo Ahlusuna

454

Arinta Ahlu-Sunna iyo Dowladda dhexe oo Guddi loo xilsaaray.

  1. Waxaa  kulan deg deg ah iskugu yimid odayaasha dhaqanka beesha Ceyr, waxeyna ka wada hadleen kaalintooda ku aadan xiisadda siyaasadeed ee ka soo dhex cusboonaatay Ahlu-Sunna iyo Dowladda Federaalka.

Guddi ka kooban 11 xubnood ayey iska xuleen odayaashu, waxeyna guddigaas la kulmi doonaan dhinacyada Ahlu-Sunna iyo dowladda.

Arimaha loo xilsaaray guddigaas waxaa ugu horeeya inay ogaadaan sida uu u dhignaa heshiiskii ay wada gaareen Ahlu-Sunna iyo Dowladda, wixii intaas ka dambeeyan waxaa loo kuur gali doonaa cidda uu ka dhaqan gali waayey heshiisku.

Odayaasha beesha Ceyr ayaa isku raacay inaan la aqbali karin in Dhuusamareeb la isku dagaalo, iyagoo isku raacay inay ku dadaalaan sidii loo dhamey lahaa kala shakiga siyaasadeed.