SAWIRRO:-Ahlusuna oo Abaabul dagaal ka wadda Dhuusa Mareeb

470

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhusa mareeb ayaa sheegaya in Maanta Halkaasi ka Tagan tahay Xiisad Siyaasadeed oo udhaxeysa Dowladda Iyo Hogaanka Ahlusuna Ee Gobolada Dhexe.
Ahlusuna ayaa ka hor timid Qorshaha Dowladda Somaliya ee Ciidmada ay ku soo daabuleyso Dhuusa Mareeb.
Hogaanka Ahlusuna. Ayaa wadda Abaabul dagaal. Islamarkaana ay oga Hor tageyso Qorshaha Dowladda Somaliya. Ee Dhusa mareeb ay ka leedahay.
Ahlusuna ayaa degaano badan oo ka Tirsan Galmudug ka soo aruurisay Ciidamo kuwaas oo hada ku sugan Magaalada Dhusa mareeb. Waxaana hada Cakiran Xaalada guud ee Magaalada.

Dhanka kale Dowladda Somaliya ayaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Dhuusa Mareeb ka dajisay Ciidano Iyo hub Islamarkaana Hogaanka Ahlusuna Aysan. Waxaba ka ogeyn.