Axmed Madoobe oo loodoortay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland+SAWIRRO

437

Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta sidii la filayay Madaxweyne u doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Axmed Madoobe ayaa helay 56-cod , waxa uuna si buuxda ugu guuleestay doorashada shakiga la galinayo hufnaanteeda , waxaana doorashada kadib Axmed Madoobe loo dhaariyay in mudo 4-sano ah hogaamiyo maamulka Jubbaland.

Doorashada ka dhacday magaalada Kismaayo waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano katirsan labada Aqal oo mucaarad ku ah dowlada Dhaxe.

Dowlada federaalka ayaa horey u cadeesay in aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda doorashada Jubbaland, waxa ayna dowlada ku baaqday in la qabto doorasho xur iyo xalaal ah ay raali ka yihiin dadka reer Jubbaland.