SAWIRRO:- Dowladda Somaliya oo Diyaarineysa Ciidankii igu Badnaa Ee Lagu Xoreyn lahaa Degaanada Galmudug.

475

Wasiirka Amniga XFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale Ayaa Galinkii Dambe ee Maanta Booqdey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Har-Qaboobe oo ka Tirsan Dugsiyada Taliska 21aad oo ay Ku Jiraan Boqolaal Ciidamo ah oo ka Tirsan Guutada 15aad kuwaa oo Dhowaan Tababar Halkaa uga Furmay

Wasiirka Islow Ayaa Ciidamada Ku Amaaney Sida Naftooda ay ugu Horeen Shacabka Soomaaliyeed Diyaarkana ugu Yihiin Difaacida Qaranka Soomaaliyeed.

Saraakiisha Xerada Ayaa Wasiirka Warbixin ka siiyay Howlaha socda iyo Halka wax u Marayaan isagoo xerada Ku Wareejiyay Agab Dhisme oo lagu Balaarinayo Xerada si loo Dhameystiro Adeegyada Aas aasiga ah ee Lagama Maarmaanka u ah Howlaha Tababarka ee Dugsiga.