War Cusub. Shirkii Dib uheshisinta Beelaha Galmudug Ee Dhusa mareeb oo dib uduacay & Sababta.

449

Dib dhac ku yimid mar labaad Shirka dib u heshiisiinta Dadka daga Galmudug loogu qaban lahaa magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in dib u dhac uu ku yimid Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo lagu waday in maalinta berri ah uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Beelaha Galmudug qaarkood ayaa wali kasoo horjeedda Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug, waxaana Guddiga ay waddeen maalmihii ugu dambeeyay dadaallo kala duwan oo ku aadan qabashadda Shirka.

Waa markii labaad oo dib u dhac ku yimaado Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug tan iyo Markii ay Magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug.