Beesha Habargidir oo 15 neef oo geel ah gaysay tacsida Eng Yariisow +SAWIRRO

965

Odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka socday beesha Habargidir ayaa maanta tacsi ugu tagay qoyska allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay gogosha tacsida Injineer Yariisow geeyeen 15 neef oo geel ah, 40 neef oo ari ah, iyo gaari weyn oo raashin ah.

Xubnaha beesha Habargidir ayaa waxaa hogaaminayey madaxweynihii hore ee mamaulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana ku wehliyey xubno sare oo ka mid ah dhaqanka beesha.

Beesha Habargidir ayaa waxaa tacsida ka guddoomay qoyska Yariisow iyo waxgarad iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda beesha Daa’uud ee Wacbuudhan Abgaal ee uu Yariisow kasoo jeeday.