XOG:-Raiisul Wasaare Kheyre. Oo Diyaarinaya Ciidankii ugu badnaa Ee Beesha Mursade.

746

Warar lagu Kalsoon yahay oo ay Heshay Warbaahinta www.wardoon.net ayaa sheegaya.

In Beesha Raaiisul Wasaare Xasan Ali kheyre ay waddo Qorshe lagu Xoreynayo Degaanada Beeshaas ay ka dagan yihiin Gobolka GALGADUUD.

Oo ay Gacanta ku hayaan Ururka Al.shabaab

Siyaasinta iyo Waxgardka Beesha MursadeĀ  ayaa Sanadihii igu danbeyay wadday Albaabul Dagaal oo lagu Xoreynayo Degaanada ka maqan.Beeshaas Gaar ahaan Degmada Faca weyn Ee Ceelbuur.

Ciidankii ugu badnaa Ee Laga soo abuuriyay Magaalada Muqdisho ayaa hada ku sugan Xero ku taalo Duleedka Degmada Guraceel kuwaas oo loo diyaarinaayo in ay ka qeyb qadtaan Xoreynta Degaanada maqan.

Qorshaha Xoreynta Degaanada Beesha Mursade ayaa ah mid ay Maqaam Buuxa ay oga Raadsanayaan Maamulka Galmudug .

Madaama Beeshaas ay ka mid tahay Beelaha wax ka Dhistay Maamulka Galmudug.