Cadeymo:- Raaiisul Wasaare Kheyre. Oo Xafiiskiisa ka Ceyriyay Shaqaalihii ugu badnaa..

514

37 shaqaale oo katirsan xaafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa shaqada laga eryey sida ku cad liiska ku qoran warqada ku hor taalla, waxaa lagu amray Ciidanka ilaalada madaxtooyada in shaqaalahaas ay ka ilaaliyaan in Madaxtooyada ay soo galaan.

Warqadan malahan wax tix raac ah oo ku lifaaqan halka la yiri shaqaalahan aada, waa sida ka muuqata.

Qaar kamida dadka shaqada laga eryey oo ila soo xiriiray waxa ay iisheegay in qofka warqadan gadaal ka riixaya ama soo qoray uu yahay Axmed Yuusuf Axmed agaasimaha guud ee Bii’ada ee xaafiiska ra’iisul wasaaraha, oo isaguba aan aheyn shaqaale rasmi ah.

Eeddaas loo soo jeediyey Axmed Yuusuf Axmed agaasimaha guud ee Bii’ada ee xaafiiska ra’iisul wasaaraha si aan wax iga weydiiyo, way suuragali waysay inaan telephone ka ku helo.

Horay sidan oo kale madaxtooyada waxaa shaqada looga eryey ku dhowaad 50 shaqaale.