DAAWO (Eng. Yariisow) oo Aas-Qaran loogu sameeyey Muqdisho

476

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan Qabuuro ku yaalla dugsiga tababarka Ciidamada Booliska General Kaahiye waxaa Aas qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo u geeriyooday dhaawac Culus oo ka soo gaaray qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Aaska Marxuum Eng.Yariisow ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxad ugu Sarreeya dowladda Soomaaliya,Mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haaya dowladda iyo kuwo horey uga soo qabtay,qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo dadweyne farabadan.

Meydka Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow ayaa Maanta waxaa diyaarad qaas ah looga soo qaaday Magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qata,halkas oo markii hore loo geeyay Xaalad Caafimaad,kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray qaraxii 24-kii Bishii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Dadkii ka soo qeyb galay Aaska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa dhammaantood si wadajir Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo,sidoo kalena tacsi u diray Eheladii,qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka.