Madaxdii Igu Badneed Ee Habar gidir oo Ku Wajahan Hobyo

717

Magaalada Hobyo Ee Gobolka mudug Waxaa Maalinta Bari ah ku Wajahan Wafuud kala duwan oo isugu jirra Heer Fadaraal iyo Odayaal Dhaqameedyo kuwaas oo ka qeyb galaya Daah.furka wajiga labaad Ee Shirka Wadatashiga Nabdeynta Hobyo.

Ilaa Labo Diyaaradood oo sida Wafuudaas ayaa la filayaa in bari ka dagan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hobyo.

Waxaana Wafuudaas Hogaaminaayo Senotar Abdi qeybdiid Sanotar Abshir Bukhaari. Iyo Sanotar Dhagay.
Waxaana Magaalada Hobyo si weyn Looga Dareemayaa Soo Dhaweynta Wafdigaas.

Dhanka kale Maalinta Bari ah waxaa lagu in uu si rasmi ah u furmo shirka wadatashiga Beesha Habar gidir.

Kaasi oo Horey loo shaaciyay in furmi doono 4 Agosto.
Balse Warar Hoose oo aan Heleyno ayaa Sheegaya in Hal maalin dib loo dhigay shirka .

Sida ay noo Xaqijiyeen Ila ka Agdhow Gudiga Farsamada Shirka Hobyo.

Hobyo waxaa Horey igu Sugnaa Ergoyinkii kala duwan oo ka kala Socda 5 Beelood Ee Habar gidir iyo Marti sharaf kale.