War, Cusub Ciidamada AMISOM oo looga digay in ay ka qeyb qaadtaan  doorashada Jubbaland

434

Xilli dhawaan la filayo inay Magalada Kismaayo ka dhacdo doorashada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Ciidamada AMISOM ee k sugan Magaladaas looga digay in loo adeegsado ama ay farageliyaan doorashada Maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ( Xasan Yare) oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in jubbaland ay xilligaan joogto in loo madax banneeyo doorashada,isla markaana aan wax faragelin ah lagu sameyn.

Waxa uu sheegay in jubbaland ay leedahay Ciidamo kala duwan,sida Boolis, Nabadsugid iyo Ciidamo kale,hayeeshee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo uu uga digayo in loo adeegsado doorashada, balse ay qaataan doorkooda oo ah la-dagaalanka Al-Shabaab