Qatar Oo Iibsatay 25% Saamiga Shirkado Shidaal Ka baaraya Xeebaha lagu muransan yahay

629

Shirkadda Shidaalka Dowladda Qatar ee Qatar Petroleum ayaa shaacisay inay heshiis Cuusb la gashay Shirkadaha Shidaalka Eni iyo Total oo howlo Shidaal baaris ah ka wada Saddex Baloog oo ku yaalla Xeebaha dalka Kenya.

Qoraal lagu shaaciyay Barta Twitter-ka ee Shirkadda Qatar Petroleum ayaa lagu sheegay in Shirkadaha Eni iyo Total saami ahaan ka heshay Shirkaddu ( 11.25% Shirkadda Total, halka 13.75% Shirkadda Eni),waxaana Saddexda Baloog ay shirkadu heshiiska ku gashay ay yihin L11A, L11B iyo L12.

Heshiiskna waxaa dowlada Qadar u saxiixay wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta ee Qatar ahna madaxweynaha shirkadda Qatar Petroleum, waxa uuna sheegay Wasiirka in ay ku faraxsan yihiin saamigan ay ka iibsadeen shirkadaha Total iyo ENI.

 

Dowladda Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Madaxda Dowladda Federaalka,waxaana xusid mudan in shirkadda Eni oo laga leeyahay dalka Talyaaniga horay loogu eedeeyay inay howlo baaris ah ka wado dhul badeedka Soomaaliya oo ay Kenya muranka gelineyso.

Dad badan ayaa su’aal gelinaya heshiiska Shirkadda Shidaalka Dowladda Qatar ee Qatar Petroleum ay la gashay labada shirkadood ee Eni iyo Total,kuwaas oo shidaal baaris ka wada Xeebaha dalka Kenya,maadaama uu weli jiro khilaafka dhinaca muran badeedka ah ee ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.