Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo gaaray Magalada Baydhabo

427

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa goordhow gaaray wafdi uu hogaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dowladda federaalka Soomaaliya,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Baartlamaanka Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed.

U jeedka wafdiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ay Maanta u tageen Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in Magalada Baydhabo ay ka furi doonaan shir looga hadlayo Arrimaha gargaarka,isla markaana ay ka qeyb galayaan wufuud kala duwan.

Sidoo kale wafdiga ayaa inta ay ku sugan yihiin waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonan Madax ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed, iyaga oo kala hadli doona Arrimo dhowr ah.