DAAWO “Maxamed Bakaal Cidna Hargeysa Kama Saari Karto” Abwaan Weedhsame

638

Magaalada Hargeisa waxaa ka taagan Dhacdo la xidhiidha Hanjabaado loo gaystay Fannaanka Maxamed Bakaal Cirro, oo deegaan ahaan kasoo jeeda Jigjiga, Balse ku koray, Carruurna ku dhalay Hargeisa, oo Hooyadii kasoo jeedo.

Abwaan Xasan Daahir Weedhsame ayaa Xaqiijiyey In loo Hanjabay Fanaan Bakaal Cirro, Wuxuuna sheegay inaan la Aqbali Karin.

“Ma jirto cid ka sheegan karta Hargeisa, Halkan ayuu ku Koray, Halkan ayuu ku dhaqmay oo ku dhalay, Ninka u Hanjabaya intuu dadka Horyimaado haka sheego, Ma jirto Cid Xagtin gaadhsiin karta” Ayuu yidhi Weedhsame.

Hanjabaada oo la kulmay ayaa la sheegay inay ka dambaysay kadib markii Fannaanka Maxamed BK loo diiday inuu Bandhig ku qabto Nairobi, waxaana la sheegay in dadka usoo Hanjabay oo Gurigiisa tagay ay Arintaasi Qabiil ahaan u dhigeen, Taasi oo Bulshadu ay siwayn ula yaabtay.

Maxamed Bakaal Cirro ayaa ah Gudoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska, waana nin ay inta badan Bulshadu u taqaanay Nin Hargeisa ah, Kaasi oo aan deegaan kaleba Booqan Kuna soo Korin.