Dowladda oo la wareegtay Amniga Xeraale +SAWIRO

453

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Masuuliyada Amni ee degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud u saartay Ciidamo ka tirsan Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka kuwaas oo Maanta si rasmi ah howlaha Amni Xaqiijinta ah kaBilaabey Gudaha Magaaladaasi.

Taliyaha Qaybta 21aad Gen, Yuusuf Kaanti ayaa Saraakiisha Ciidanka kula dardaarmey in ay muujiyaan kowl karnimo iyo Masuuliyad dheeri ah Maadaama dowladdu u Xulatey Masuuliyadan Ballaaran ee dhinaca amniga ah.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan cali Kheyre ayaa u balan qaaday dhawan Bulshada ku nool deegaanka Xeraale in dowladu qadatay mas’uuliyada Amniga,hayeeshee Odayaasha & Waxgaradka Xeraale ay shalay sheegeen in RW Kheyre uu balanta uga baxay,isla markaana aysan ka qeyb galeyn Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.