C.raxmaan C.shakuur oo sheegay Sababta Looga Faa’iidaystay Weerarkii Kismaayo

416

Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay weerarkii Kooxda Alshabaab ay ka fulisay hotelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo, Wuxuuna sheegay in weerarkan fulintiisa looga faa’iideystay xiisada ka taagan arrimaha doorashada Jubaland iyo loolanka adag ee Siyaasada.

“Waxaan canbaaraynayaa weerarka ay argagexisada arxan laawayaasha ahi ku qaadeen Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Allaha u naxariisto dadkii weerarkaa ku shahiiday. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen Hodan Naaleeye iyo Deeq Ciise Webi oo labaduba ka shaqaynayey samafalka iyo daryeelka bulshadda.

Way cadahay in cadawgu uu ka faa’iideystay xili doorashada Jubaland iyo loolanka siyaasadeed. Reer Jubaland waa in ay meel iska dhigaan loolanka siyaadadeed, mudnaantana siiyaan nabadgelyadooda iyo la dagalaanka argagexisada, dawlada Federaalka ahna waa in ay garab ku siisaa”.