Taliyeyaasha Ciidamada oo gaaray Balanbale +SAWIRO

434

Saraakiishaan oo uu hogagaminayo taliyaha Ciidanka xoogga dalka asreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa waxaa ay gaareen degmada Balanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin taliyeyaasha Booliska, Asluubta & Saraakiil kale & Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxaa ay safar dhinaca Dhulka ah uga baxeen degmada Dhuusamareeb,waxaana Balanbale kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey.

Ujeedada Safarka Saraakiishan ayaa ah Diiwaan galinta Ciidamada ku sugan Degmada Balanbale iyo deegaanada ku xeeran,ciidamadaas oo ka mid noqon doona kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.