Taliyihii saldhiga booliiska ee Gaalkacyo oo ladilay

527

Waxaa shalay galinkii dambe Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ka dhacay qarax nuuca gaadiidka hoosta looga soo xiro oo lala beegsaday taliyihii saldhiga booliiska ee magaaladaasi .

Qaraxa ayaa la sheegay in markii hore uu dhaawac culus kasoo gaaray Cawil Nuur Rooble taliyaha saldhiga booliiska Koonfurta Gaalkacyo, waxaana taliyaha xalay u geeriyooday dhaawacii qaraxa kasoo gaaray.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegatay masuuliyada qaraxa lagu dilay taliyihii saldhiga booliiska Koonfurta Gaalkacyo, waxa ayna Al Shabaab uu bartilmaameed u ahaa sargaalkan.

“Mujaahidiinta ayaa magaalada Gaalkacyo qarax kula beegsaday Taliyihii maamulka Galmudug ugu magacaaban Booliska Koonfurta Gaalkacyo”ayaa lagu yiri kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa horey sidan oo kale u sheegatay masuuliyada dilal ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo uu kamid ahaa dil dhawaan loo geestay sargaal katirsanaa Nabad sugida maamulka Galmudug.