DAAWO:-Saciid Deni “Dowladda Federaalka dhex dhexaad haka noqoto doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug”

471

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in doorashooyin ay kusoo fool leeyihiin Maamulada Jubbaland iyo Galmudug,hayeeshee looga baahan yahay inay cashir ka bartan Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in deegaanadaas ay ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah,isla markaana dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka deyso faragelin ay ku sameyso doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug.

“Waxaan rajo wanaagsan ka qabnaa in Madaxda Dowladda ay dhex dhexaad ka noqdaan doorashooyinka Galmudug & Jubbaland,isla markaana uusan ka raacin magacii xumaa ee meelo kale ka raacay ayuu yrii Siciidi Deni.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqday mid si dad badan uga hadlayay doorashadii Madaxweyneneimo ee ka qabsoontay Magalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed,taas oo uu kusoo baxay Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen).