Farmaajo oo lakulmay Xaaf

640

Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle ” Xaaf”

Soo dhaweynta Madaxweyne Xaaf ayaa ka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Xaaf ayaa Muddo hal sano ka badan aan imaan Magaalada Muqdisho, waxaana jiray Khilaaf kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyntii heshiis laga gaaray.