Nabad iyo Nolol oo cambaareysay isku daygii Afgambi ee ka dhacay Itoobiya

509

Dowlada Federaalka ah Soomaaliya ayaa cambaareysay isku daygii afgambi ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya kaasoo lagu dilay masuuliyiin iyo saraakiil badan.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta dowlada federalka ayaa tacsi loogu direy dowlada Ethiopia madaxdii lagu diley weeraro ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo magaalada Bahir Dar.

Weerar ka dhacay magaalada Bahir Dar ee Is maamulka Amxaarada ayaa lagu diley Madaxweynihii Ismaamulkaas sidoo kale waxaa magaalada Addis Ababa lagu diley taliyihii guud ee ciidamada dowlada Ethiopia.