Kheyre oo Dhuusamareeb tagay +SAWIRRO

483

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta waxaa ay gaareen amagalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya,Xildhibaano iyo Xubnaha Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug,iyada oo Maanta siweyn loo adkeeyay Amniga Magalada Dhuusamareeb.

Raa’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa Caawa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Xubnaha Maamulka Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb,iyaga oo ka wada hadli doona sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada Galmudug.