Akhriso Dowladda Somalia oo War ka soo saartay Doorashada Galmudug & mudo xileedka Xaaf

585

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed doorashooyinka Galmudug, iyadoo ugu baaqday Madaxda Galmudug in doorashooyinkaas lagu qabto mudadii loo asteeyay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in loo baahan yahay hannaan doorasho oo hufan, kana turjumaya dimoqraadiyadda iyo tartanka furan.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in mudada xil heynta Dastuuriga ee Madaxda Maamulka Galmudug ay ku egtahay 4-ta Julya ee soo socoto, sidaas darteed ku baaqday shirweyne dib u heshiisiin oo lagu xalliyo arrimaha Galmudug, kaasoo ay isugu imaanayaan dhammaan waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka, laguna magacaabo Guddi farsamo oo qaban qaabiya shirweynahaas.

Halkan hoose ka akhriso:

Akhriso Dowladda Somalia oo War ka soo saartay Doorashada Galmudug & mudo xileedka Xaaf