Abwaan Sangub oo ku geeriyooday Addis Ababa

620

Waxaa Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka itoobiya saakay ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise oo loo yaqaanay Sangub,kaas oo ka mid ahaay Abwaaniinta ugu caansan dhulka Soomaalida.

Abwaanka ayaa halkaasi loo geeyay Arrimo Caafimaad , kadib xanuun mudo haayay,hayeeshee saakay uu halkaasi ku geeriyooday,sida ay xaqiijiyay Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed oo ka mid ah golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Magalada Muqdisho.

Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub oo sameeyay riwaayado badan isla markaana ku soo jirey fanka Soomaaliyeed muddo dheer ayaa ka soo laabtay qurbaha dhowr sano kahor.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa sanadkii 1944 waxa uu ku dhashay deegaan ka mid ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,waxana fanka uu ku bilaabay isagoo aad u da’ yar.