Isra’il oo dhiseysa Deegaan cusub oo loogu magac daray Trump +SAWIRRO+VIDEO

423

Maamulka Isra’il ayaa shaaca ka qaaday in deegaan cusub laga dhisayo dhulka ay Israa’il xooga uga heesato Siiriya ee buuraha Golan, waxaana deegaankan loogu magac daray Madaxweyne Donald Trump.

Ra’isul Wasaaraha Maamulka Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa axadii shalay ku dhawaaqay in la deegaameyn doono dhul kamid ah buuraha Golan Heights, waxa uuna ku dhawaaqay in deegaameyntaasi loogu magac daray Trump Heights.

Dhulkan Isra’il ay deegaanada ka dhiseyso ayaa lagu maamuusay looguna magac daray Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kadib markii uu u aqoonsaday dhulkaasi in uu yahay mid Isra’il leedahay.

Dowlada Mareykanka ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay oo Israa’iil u aqoonsada in ay iyadu leedahay buuraha Golan Heights , Isra’il ayaana dhulkan ka qabsatay Suuriya markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967.