Qatar diiday war murtiyeedki shirarkii Makka

596

Waddamada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa cambaareeyay go’aanka ay dowladda Qadar ka qaadatay war-murtiyeedka shrarkii saddexda ahaa ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarama.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa ku dhawaaqay in war-murtiyeedka ka soo baxay shirarkaas aan lagu wargelin dowladda Qatar iyada oo uu goobjoog ahaa Ra’isal wasaaraha dalkaas.

Sidoo kale Qatar waxaa ay diidday lahjadda adag ee uu ku qornaa War-murtiyeedka ee lagu eedeeynayay Dowladda Iiraan.

Wasiir dowlaha arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Al Jubeyr iyo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Gargaash ayaa dowladda Qatar ku tilmaamay mid dhabar jebineysa go’aannadii ka soo baxay shirarkii Makka.

Al Jubeyri ayaa sheegay in Qatar ay khudbad ka jeedisay shirka, mowqifkeedana uu caddaa, halka Anwar uu Qatar ku tilmaamay dowlad tababar daran oo uu cadaadis saaran yahay.

Wasiirka arrimaha dibadda Baxreyn Sheekh Khaalif Al Khaliifa ayaa isaguna sheegay in hadalka Qatar uu u muuqdo xiriir xumo kala dhaxeysa dalalka deriska la ah.

Waxaa uu sheegay in Waddamada Khaliijka aysan waxba ka quseyn qalalaasaha gudaha Qadar ka socda, laakiin ay Qadar diidday xalka.

Xiriirka dalalka Khaliijka ayaa aad u xumaa, tan iyo markii Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ay xiriirka u jareen dalka yar ee Qatar.