Akhriso 20-ka Kooxood Ee Ka Ciyaari Doona Serie A-da Xilli Ciyaareedka 2019/2020

856

Kooxda Hellas Verona ayaa badisay kulankii kala baxa ee Serie B-da iyada oo horyaalka heerka 1-aad ee Italy ee Serie A-da u soo raacday kooxda Brescia iyo Lecce halka ay kooxaha Empoli, Frosinone & Chievo u dhaadheceen horyaalka heerka 2-aad ee Italy ee Serie B-da xilli ciyaareedka dambe.

Haatan kooxda Verona ayaa u soo baxday Serie A-da xilli ciyaareedka dambe iyada oo ciyaari doonta xilli ciyaareedka 2019/2020.

Kooxaha Brescia, Lecce & Hellas ayaa dib ugu soo laabtay horyaalka heerka 1-aad iyaga oo xilli ciyaareedka dambe la ciyaari doona kooxaha ku hadhay horyaalka.

Dhanka kale kooxaha Empoli, Frosinone & Chievo ayaa ka hadhay horyaalka heerka 1-aad iyaga oo ku laabtay Serie B-da oo ay ka ciyaari doonaan xilli ciyaareedka dambe.

Taas ayaa la macno ah In aanan arki doonin Derby oo ay wada ciyaaraan kooxaha Vernoa oo ku soo laabatay horyaalka laakiin Chievo ay isaga hadhay horyaalka.

Laakiin waxa dib u soo cusboonaan doona xafiiltankiiBrescia iyo Atalanta xilli ciyaareedka dambe.

Halkan Hoose Kaga Bogo 20-ka kooxood ee xilli ciyaareedka dambe ciyaari doona Serie A-da.

Atalanta, Bologna, Brescia, Cagliari, Fiorentina, Genoa, Inter, Juventus, Lazio, Lecce, Milan, Napoli, Parma, Roma, Sampdoria, Sassuolo, SPAL, Torino, Udinese, Verona