Dawlada Kenya Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Alaabaha Laga Soo Dhoofiya Somaliya +VIDEO

528

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan ogolaan doonin inay dalkeeda soo galaan alaabo aan cidina la socon oo la soo saaro duulimaadyada kaga yimaada dhinaca Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in shixnadaha noocaasi ah ay Kenya la wareegi doonto, ayna burburin doonto.

Kenya ayaa sheegtay in go’aankan oo loo qaatay sabbao amni uu waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee gaadiidka hawada.

Waa tallaabo kale oo dowladda Kenya ay cadaadis ku saareyso Soomaaliya,iyada oo la ogyahay in weli uu jiro muranka dhinaca Badda ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.