Barcelona Oo baadi goob ugu jirta Badalka Tababare Ernesto Valverde

605

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona bilowday wadahadalada badalka tababare Ernesto Valverde kaas oo uu shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa lana filayo in uu isaga tago kooxda maalmaha soo socda.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa bilaabay in ay qiimeeyaan mustaqbalka tababare Ernesto Valverde kadib markii ay kooxdu si niyad jab leh ku dhamaystay xilli ciyaareedkan.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Maamulka Barcelona wadahadalo la fureen tababaraha xulka qaranka Belguim ee Roberto Martínez kaas oo ay waydiiyeen in uu ogolaan karo tababarista kooxda 1-aad ee Barcelona xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay maamulka Barcelona haatanba ka wadahadaleen tababare Roberto Martínez waliba isku raaceen in u noqdo tababaraha cusub ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Roberto Martínez ayaa xulka qaranka Belguim u qabtay shaqo fiican isaga oo geeyay kaalinta 3-aad ee koobkii adduunka sidoo kale ka soo shaqeeyay horyaalka premier League.