Madaxweynaha Jubbaland oo xaalay ku hoyanaya deegaanka Baarsanguuni

488

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la afuray caawa Sarakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan jiida hore, iyadoo Madaxweynahu uu caawa ku hoyanayo deegaanka Baarsanguuni si uu ugu dhiiri galiyo Ciidamada howlgalada iyo dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa ku booriyay saraakiisha in ay laba jibaaran shaqada ay dalka u hayaan isla markaana ay dardar-galiyaan howlgalada dib u xoraynta ah si shacabka looga dulqaado dhibaatada ay Argagixisadu ku hayso.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xilliga uu deegaanada booqashada ku tagayay aanan la socon gaadiidka aan xabadaha karin, balse saarnaa mid ka mid ah gaadiidka dagaalka.
Deegaanada Baarsanguuni iyo Buulo Gaduud ayaa waxaa horay ula wareegay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.