Liiska shirkadaha xujeyda qaadi doonta oo lagu dhawaaqay

697

Guddiga kala saaridda Xamlooyinka usoo tartamay fulinta adeegga Xajka oo ay magacowday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saaray Qiimaha Sanadkaan lagu xajin doono iyo shirkadaha adeegaas qaban doono.

Guddiga ayaa ugu horeyn sheegay in sanadkaan lagu xajin doono lacag gaareysp 3600 Dollar, halka Xajka VIP-ga uu noqon doono qiimo ahaan 5000 Dollar ugu badnaan.

Guddiga ayaa uga digay shirkadaha Adeegaan qaban doono inay lacag intaas ka badan ka qaadaan Shacabka Soomaaliyeed ee doonayo inay tagaan beydka Alle.

Guddiga ayaa sheegay in Sanadkaan Soomaaliya loo ogolaaday inay u xajiso illaa 11500 Xaaji.

Sidoo kale Guddiga ayaa soo saaray Liiska Shirkadaha sanadkaan fulin doono adeegga Xajka, wuxuuna guddiga sheegay inay adeegaan usoo tartameen ilaa 84 Shirkadood.

Guddiga ayaa sheegay kala saarid kadib inay guuleysteen ilaa 58 Shirkadood oo sanadkaan u adeegi doono xujeyda Soomaaliyeed.

Guddigga ayaa tilmaamay inaysan wax faragelin ah la kulmin intii ay wadeen howshaan kala saaridda Shirkadaha soo socdo fulinta Adeegga xajka sanadkaan 2019.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Magacyada Shirkadaha

Shirkadaha B

1- Daalo Airles

2- Jubbala Air

Shirkadah T)

1- Freedom
2- Carafaat
3- Jowhar
4- Rixla Mubaaraka

Shirkadaha J

1- Ocean

2- Africa Express

3- Air Jubati

4- Darmar travel

5- Hogal traver

6- Rudwaan

7- Shirkadaha X

8- Daruuro

Shikradha KH:

1- Saaj Travel

2- Makka Travel

3- New Star

4- Answer travel

5- SPD

6- Safarri Trave;l

Shirkadda D

1- Makka Al-Mukaram
2- Karaama
3- Kalkar
4- Manaasik Travel
5- Royal Som
6- Barayt
7- Al-Huda Travel Hajj and UImra
8- Al-Mnanaasik Fil Xaji Wal Cumra
9- Falalcadde

Shirkadah S”

1- Dahala Airles
2- Al- Rayan
3- Federal
4- Eurie Africa
5- Somali travel
6- Teyseer
7- Labeyk
8- Qudus
9- University
10- Salam Hajj and Umra
11- Universal
12- Al-Saqar
13- Al-ixsaan
14- Al- Hijra Travel
15- Cibaar Travel
16- AL-Hijra Air
17- Ritaaj
18- Hiiliye
19- Isfalaash
20- Salam Travel
21- Mustaqbal
22- Anfaal
23- National Airways
24- Abmooja Travel
25- Save Way
26- Travel Express
27- Key way
28- Ruksan
29- Hubaal
30- Daymond