Hogaamiyaha xisbiga Wadani oo Jawaab siiyey wasiir Kaahin +VIDEO

636

Hogaamiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Masuuliyiinta Xisbiga Wadani oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa Ka hadlay Arimo kala duwan.

Waxay ka hadleen Xadhiga Gudoomiyihii Garabka Dhalinyaradda ee lagu xidhay magaalada Hargeisa, Iyadoona dhibaato kala duwan loo gaystay, Sida ay sheegeen.

Masuuliyiinta Xisbiga Wadani ayaa ka hadlay Arimaha Doorashooyinka Somaliland ee Muranku ka taagan yahay ayay ka hadleen, waxayna sidoo kale xog cusub ka bixiyeen Kulamadii looga hadlay arintaasi.

Hadalkii kasoo yeedhay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin, oo Dhaliilo usoo jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Wadani, Waxayna sheegeen inuu Shalay markii uu Daahir Riyaalle joogay uu horay u yidhi Dhayngad [UL] ayaan kaaga soo saarayaa Madaxtooyadda.