DAAWO:-Minneapolis Caruur Soomaaliyeed oo kasoo dhacday Dabaq

710

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Laba Caruur ah oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka soo dhacay dabaqa 4aad Guri magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku yaala.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Labada Caruurta ah uu mid kamid ah dhintay, Halka midka kale uu dhaawac yahay, waxaana arkay Qof meesha Maraya kaasi oo markiiba u wacay Booliska.

Hooyadda dhashay Labada Caruurta ah ee dhibku soo gaadhay ayaa codsatay in loo duceeyo, Waxaana Su’aalo waydiinaya Ciidamada Booliska oo ka waraysanaya sida wax u dhaceen.

Waalidiin iyo Waxgarad Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhibaatada dhacday, waxayna sheegeen in Hooyadda Carruuta dhashay ay ahayd Qofka ugu wanaagsan, oo Caruurteeda aan deriska uga tegi Jirin.