DAAWO:-Cali Khaliif “Anigu Somaliland waan ahay Cirka soo Leef”

449

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo Hadal ka jeedinayey magaalada Berbera ayaa ka hadlay arimo kala duwan, Wuxuuna sheegay in Somaliland oo Horey uu heshiis ula galay aan laga sheegin Karin.

“Anigu Somaliland waan ahay, Cid igama sheegan karto, Cirka soo Leef, Waxaa intaa ii Raacda Hada shirkii Burco waan ka Qayb galay, oo Kii Boorame waan ka qayb galay, oo Aniga iyo Siilaanyo 1982-dii Dawladii Soomaaliyeed waanu ka tagnay markaanu aragnay inaysan dan Soomaaliyeed wadin, Mucaarid waan ahaa Balse waan kasoo horjeeday in lala dagaalamo”. Ayuu yidhi Galaydh.

Wuxuuu sheegay in Wakhtigaas uu Macaaradka Noqday, Kuwa xilal ka hayey Dawladii Soomaaliya, ay hada ku Abtirsadaan mujaahidiin, Wuxuuna sheegay in dhibaatada hada taagan ay tahay Taariikhdii oo been laga sheegay, la iskuna hayo.

Wuxuu ka hadlay arimo kal xidhiidha Wadahadalkii Khaatumo iyo Heshiiskii ay la galeen Xukuumadii Siilaanyo , Wuxuuna xusay inaanu Xil ka doonayn Somaliland.