Guddoomiyaha Gobolka Bar oo gaarigiisa laqarxiyay

458

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Maanta lala beegsaday Gaari uu lahaa Gudoomiyaha Gobolka Bari Ee Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys ( Dhedo) xilli uu marayey Bartamaha Magalada Boosaaso.

Gaariga oo ahaa nooca loo yaqaano Toyota Hilux ayaa qaraxa qabsaday xilli uu marayey agagaarka wadada Hotelka Jubba 1 ee Magalada Boosaaso,waxana ku dhaawacmay ilaa Afar askari oo ahaa ilaalada gudoomiyaha.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo wadada la geliyey,isla markaana ay qaraxday.

Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in xilliga qaraxa uu dhacayay gudodomiyaha uusan saarneyn gaariga, hayeeshee askarta ku dhaawactay kaliya ay wateen.

Askarta ku dhaawacantay qaraxa ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka weyn ee Magalada boosaaso si halkaasi loogu daweeyo,waxaana weli qaraxaasi ka hadlin laamaha amniga dowlad Goboleedka Puntland.