Qarax xoogan oo Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

450

Goordhow ayaa waxaa qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka Gobolkan Banaadir waxa uu ka dhacay agagaarka Maqaayadaha Blue Sky iyo Dalsan oo ku yaallaan inta u dhaxeysa Taalada Xaawa Taako iyo Godka Jilacow.

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu halkaasi ku qarxay,waxana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan.

Khasaro dhinasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxaas.