Madaxweyne Waare oo ka hadlay Caqabadaha Hor-taagan Maamulkiisa+ COD

463

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa mar kale shaaciyey
caqabadaha heysta Maamulkiisa oo dib u dhigay Shaqooyinkii looga baahnaa.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay
in Maamulka Hirshabelle caqabada koobaad ay heysata ay tahay dhinaca
amniga,isla markaana deegaano badan oo ka tirsan Maamulkaas ay ka dhacaan falal
lidi ku ah dhinaca amniga.

Waxa uu sheegay in Wadooyin ka mid ah deegaano ka tirsan Maamulkiisa ay yihiin
kuwo xiran,isla markaana tira ka dhowr jeer looga hadlay sidii loo furi
lahaa shirar ka dhacay Magaalooyinka Adis Ababa iyo Nairobi ee dalalka Kenya
iyo Itoobiya.

Madaxweyne Waare ayaa ugu
baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay isu tashadan,waxaana uu sheegay in bilaha soo
socda Ciidamada Dowladda, kuwa Maamulka Hir-Shabeelle iyo AMISOM ay siwadajir
ah u furi doonan wadooyinka u go’doonsan Al-Shabaab.

Deegaano iyo degmooyin ka
tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa mararka qaar weeraro ka geysta
Al-Shabaab,iyada oo laga go’ay in la maro wadada isku-xirta Magaalooyinka
Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeelleaha Dhexe oo ay Ururka Shabaab weerar ka
geystaan.